Wararka ka imanaya Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay uu dagaal culus ka dhacay halkaasi markii ay dhowr jiho ka weerarreen kooxda Alsahbaab.
Weerarka ayaa ayaa bilowday markii dagaalayaasha Al shabab ay saddex jiho kasoo weerareen Degmada Afgooye, waxayna dadka deegaanka sheegeen in mar-qura ay kusoo kaceen dhawaaqa rasaasta culus iyo qaraxyo dhacaya oo labada dhinac iswaydaarsanayeen.
Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa Afgooye ka weerarray Mukayga, Buuno Yarey iyo Jidka Mareerey, iyadoo dagaalka uu socday muddo ka badan Nus saac, waxaana la soo weriyay qasaare ka dhashay dagaakasi oo dhimasho iyo dhaawac leh.
Masuuliyiinta maamulka Shabeelada Hoose ayaa qirtay in ciidamada dowladda laga dilay 3 askari, 6 kalena ay ka dhaawacmeen, iyadoo dhanka kooxda Al shabab aan la ogayn khasaaraha soo gaaray.
Waxaa kaloo la sheegay in Gaadiid dagaal lagu gubay dagaalka saqdii dhexe ee xalay dhacay Afgooye, waxaana u suuragashay inay Alshabab gudah u galaan xaafado ka mida degmada Afgooye oo ay ku jirto Buundada Afgooye iyo Bar koontarool oo ciidamada maamulka degmada Afgooye ay maamulayeen intii aysan dib uga laaban.
Alshabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku dileen Shan askari oo ka tirsan, ayna qabsadeen shan Qori, iyagoo gubay saddex gaari.