Waxaa weli la raadinayaa Falanqeeye siyaasadeed iyo Aqoonyahan kasoo jeeda Soomaalida Kenya Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo Arbacadii lagu qafaashay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Qoyska Ninkan ayaa waayay Arbacadii 8-da Bishan, waxay baadigoob u galeen dhammaan saldhigyada iyo xarumah ciidamada, balse ma helin wax akhbaar ah oo xaaladiisa ku saabsan, waxaana ugu War danbeysay Degmada Ganacsiga ee Nairobi.
Cabdiwahaab Sheekh Cabdusamad ayaa la sheegay rag aan la garanayn ay kusoo weerarreen waddada Turbman ee bartamaha Magaalada Nairobi, waxayna wateen hub iyo Gaari ay markii dambe ku qaateen markii ay awood u sheegteen.
Ninkan 55- sano jirka ah ayaa ka faalloon jiray arrimaha Geeska Afrika, wuxuuna kasoo muuqan jiray Warbaahinta Kenya iyo Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da isagoo faaqidaya arrimaha Geeska Afrika sida Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.
Cabdiwahaab wuxuu xilliyadii danbe tegay magaalada Muqdisho, wuxuuna taageere weyn u noqday Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo si toos u weerarari jiray siyaasiyiinta ka horjeeda, Boggiisa twitter-ka ayaa isu bedelay goob si weyn looga weerarro siyaasiyiinta ku kacsan Farmaajo, sidoo kale wuxuu taageeri jiray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.
“Waxaan tagnay Saldhigga Dhexe ee Booliiska, annaga iyo askarta waxaan tagnay goobta laga qaaday illaa iyo hadda wax war ah kama hayno halka la geeyay,” ayay tiri walaashiis oo la hadashay warbaahinta Kenya.
Xaaskiisa oo lagu magacaabo Xaliimo Maxamed ayaa sheegtay in Cabdiwahaab aanu lahayn caddow la yaqaan oo laga shakin karo, si meel farta loge fiiqo. “Ma jiro wax khalad ah oo uu weligiis sameeyay, maxaa yeelay waligiis lama xirin, haddii Booliiska ay xireen waa inay u diyaariyaan maxkamad” ayay tiri xaaskiisa.
Walaacda laga qabo xaaladiisa ayaa si xoogeysanaya, iyadoo aan la ogeyn inay afduubteen dambiilayaasha iyo inay heystaan ciidamada sirdoonka Kenya, sidoo kale waxaa shaki ka jiraa in la khaarijiyey.
Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Haki Africa ayaa hadda sheegay inay maxkamadda u gudbin doonaan codsi ay ku doonayaan inay ku khasbaan mas’uuliyiinta inay soo saaraan Cabdiwahaab isagoo nool ama Geeri.
Dhammaan dadaalladii ay qoyskiisu wadeen si loo raadiyo meelna loogu ogaado ayaa waxba kasoo bixin, kadib markii ay ka waayeen dhammaan saldhigyada Magaalada Nairobi.