Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa wiil arday ah oo lagu dilay jaamacadda Camuud ee magaalada Boorame, Gobolka Awdal.
Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim, ayaa waxaa toogtay askari ka tirsan ciidanka ilaalada Jaaamacadda uu dhiganayey ee Camuud, kadib markii uu muran soo kala dhex galay.
Marxuum Ibraahim ayaa jaamacada Camuud ka baranayay maadada Engineering-ka oo sanadkii labaad uu ku jiray, gaar ahaan Civil Engineering, waxaana falka lagu dilay uu yimid markii uu daacay inuu dib ugu laabto Jaaamacadda oo la sheegay inuu kusoo iloobay Telefoonkiisii, balse askarigan u diiday, kadibna muran dhex maray, sidaasina ku toogtay.
Ardayga iyo Askariga dilka u geystay ayey shegeen maamulka Gobolka Awdal inay ka wada yimaadeen Bariga Gobolka Sanaag, Askariguna uu ahaa Boolis, haddana la xiray, iyadoo ay kiiskiisa gacanta ku hayaan ciidamada Booliska.
Maamulka Jaamacadda Camuud oo ka tacsiyadeedyay geerida Ardayga ayaa dhinaca ale beeniyay inay jirto arrinta la faafiyey ee ku saabsan inuu xirnaa dharka calanka Soomaaliya.
Waxaa Berri la fasaxay guud ahaan Jaamacada Camuud ee Boorama , tacsida ardayga lagu dilay darteed, taasoo dhalisay dareen iyo falcelin weyn.
