Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo saaka rasaas ku furay Gaari BL ah oo ay la socdeen arday ku socday dugsigooda degmada Dharkeynley.
Gaariga ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay Gaariga markii uu soo dhaafay bar ay ku sugnaayeen ciidamo la sheegay inay lacag baad ah ka qaataa in Gaadiidka oo ku sugnaa Tabakaayo Madow, degmada Dharkeynley, waxaana halkaasi ku dhaawacmay afar arday oo saddex ka mida ay wallaalo ahaayeen, waxaana gabar ka mida ku dhacay rasaas, halka saddexda kale ay qabaan dhaawacyo uu gaariga gaarsiiyey markii ay ka boodeen.
Maamulka Iskuulka Al-anwaar oo ardaydaasi dhigtaan Siciid Axmed Fagaase ayaa sheegay in gaariga ay la socdeen ardayda lagu rasaaseeyay barta ciidamada ee Tabakaayo Madow, ayna ugu daran tahay gabar dhabarka dhaawac ka gaaray, halka mid kale ay xabbad ku jirto, wiilkuna uu gaariga dul maray; wuxuuna intaas ku daray in askariga falka geystay uu baxsaday.
Aabaha dhalay saddexda arday ee ku waxyeeloobay rasaasta lagu furay ayaa sheegay in saaka ay gurigooda oo ku yaalla degaanka Xoosh kasoo baxeen si ay dugsigooda u tagaan, laakiin uu falkan qabsaday, wuxuuna ciidamada falkan geystay ku sheegay kuwo lacago baad ah ka qaata gaadiidka oo ku sugan degaanka xaafadda Tabaakaayo Madow.
Ma jirto wax war ah oo ay hay’adaha amniga kasoo saareen dhacdadan oo soo shaac bixisay inay weli Muqdisho ka jiraan ciidamo lacago baad ah ka qaata gaadiidka dadweynaha.