Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay fal dil naxdin leh oo xalay ka dhacay xaafadda iga daba-gee, degaanka Sheekh Ibraahim ee Garasbaaley, duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii nin hubeysan uu weerar ku qaaday Guriga Qoys halkaasi deganaa.
Weerarkan ayaa waxaa geystay Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo watay Qori AK 47, waxaana rasaasta uu furay ku dhintay afar qof oo isku qoys ah, waxaana ku dhaawacmay 5 kale.
Ninka dilka geystay ayaa la sheegay inuu ka carooday gabar yar oo uu dhalay oo ku dhimatay gobolka Sh/Hoose, isagoo ku eedeeyay inay geerideeda ka danbeeyeen Qoyska xaas ay kala tageen, wuxuuna sidaasi ku dilay haweeney la dhalatay xaaskiisi hore, isagoo kadibna weerar ku qaaday dadkii u yimid tacsideeda oo uu ku jiray aabaha qoyska iyo sadde qof oo kal.
Ninka ayaa la sheegay inuu muran kala dhaxeeyay oo qoyska ay xididka ahaayeen, taasoo keenay inuu kaco falkan naxdinta leh, wuxuuna goobta ka baxsaday markii uu falka geystay. Ciidamada Booliska ayaa raadinaya ninkan oo waxa uu ahaa warar kala duwan kasoo baxeen.
Ciidamada Booliska ayaa baaraya kiiskan waxaana dadka la laayey la geeyay xarunta CID-da magaalada Muqdisho, iyadoo dadkaasi lagu wado in maanta la aaso.
