Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dilkii maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab kula kaceen xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Gen. Cabdullaahi Xasan Bariise oo ka tirsan taliska Booliska ayaa saxaafadda u sheegay in laba qof loo qabtay dilka xildhibaanka iyo Gaarigii loo adeegsaday dilka xildhibaan Cismaan Cilmi, iyadoo baaritaan xoog leh ay wadaan ciidamada Booliska.
Wuxuu sheegay in Ciidamada Booliska ay gacanta kusoo dhigeen Laba eedeysane iyo gaari ay wateen oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilkii Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore.
Wuxuu ku adkeystay in kiiska dilka Xildhibaanka aysan ciidamadu ka seexan oo dadaal xoog leh ay wadaan. Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay fulisay dilka lagu khaarijiyey xildhibaanka oo ahaa ninka ugu da’da weyn Baarlamaanka Soomaaliya.