Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay iska hor imaad magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka.
Ciidamadan oo ahaa kuwa milateriga ayaa u abaabulnaa qaab beeleed, waxayna ku dagaalameen agagaarka Isgoyska Isgoyska Trebuunka ee degmada Hodan, waxaana la sheegay inuu dagaalku ka dhashay muran dhul ay isku heysteen laba dhinac oo ku yaalla agagaarka Trebuunka.
Dagaalka labada ciidan dhex maray ayaa dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna sababay inuu istaago isu socodka dadka iyo gaadiidka. Dadka degaanka ayaa sheegay inay halkaasi ku dhinteen 2 qof, iyadoo dhaawacuna intaas ka badan yahay.
Ciidamada Milateriga dowladda ayaa weli u qaabeysan hannaan beeleed waxayna mar waliba qeyb ka yihiin iska hor imaadyada ka dhaca caasimadda, iyadoo aan lagu guuleysan in wax laga qabto.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaalada ay hadda degan tahay, iyadoo goobtaasi ay gaareen ciidamada amniga.