Xalay xilli danbe ayaa waxaa dab qabsaday Baar ku yaalla gudaha Garoonka Aadan cadde ee Muqdisho, iyadoo saacado aroortii hore ee saaka la hakiyey shaqadii garoonka.
Dabka ayaa ka kacay kushiinka Baarka oo ku yaalla qeybta Duulimaadyada Caalamiga ah, waxaana lagu guuleystay in la damiyo, isagoo aan dhalin qasaare nafeed balse waxaa ku bas beelay qeyb ka mida Baarkaasi.
Wasiirka Wasaaradda duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa ka hadlay faahfaahinta Dabka qabsaday Baarka, isagoo sheegay inaysan jirin cid wax ku noqotay.
“Maanta subaxii sacaduna aheyd 05:30 ayaa koronto sababtay qaac inuu galo gudaha dhismaha garoonka muqdisho. Haba yaraatee wax gaaray garoonka, qalabka iyo naf ma jiraan marka laga reebo jiko yar oo ay korantada wax gaarsiisay” ayuu yiri Wasiir Omaar.
Wasiirka wuxuu sheegay in shaqaddii Garoonka ay socoto, islamarkaana aysan wax saameyn ah ku yeelan shaqaddii duulimaadyadda ee Garoonka Aadan Cadde.