Dad badan ayaa dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray Weerar Gaari Qaraxyo sida oo caawa lagu qaaday Baarka Lul Yemani ee degmada Xamarjajab, agagaarka dekadda Muqdisho.
In ka badan 20 qof ayaa ku dhintay qaraxa, iyadoo dad ka badan 40 kale ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay Aamin Ambulance oo qaaday dhaawacyadaasi, isla markaana goobta ku aragtay meydadka.
Isbitaalka Martiini ayaa sidoo kale la geeyay 7 qof oo dhaawac kasoo gaaray qaraxa ka dhacay afka hore ee Maqaayada Lul Yemani oo ah maqaayad si weyn looga cunteeyo, waxaana laga cabsi qabaa inuu qasaaraha intaas kasii bato.
Afhayeenka Booliska ayaa hoos u dhigay qasaaraha, wuxuuna dhimashada ka dhigay 10 qof, halka dhaawacuna 30 qof oo kale.
Ciidamada Amniga dowladda ayaa maanta xiray dhammaan wadooyinka Muqdisho si ay uga hortagaan banaanbax ay Berri qaban lahaayeen mushaarixiinta mucaaradka, laakiin waxay ku fashilmeen inay ka hortagaan qaraxan dadka badan ku dhinteen.
