Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo degaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud ku dhex maray Maleeshiyada Alshabaab iyo kuwa degaankaasi, kadib weerar Alshabaab saaka kusoo qaadeen magaalada.
Dagaalka oo bilowday aroortii markii ay dhowr jiho kasoo weerarreen Baxdo ayaa wararku sheegayaan inuu halkaasi ka dhacay dagaal culus markii Alshabaab soo galeen magaalada, waxaana ka hortegay dadka degaanka, culimada iyo Booliska magaalada, waxaana dib loo celiyay Maleeshiyadii Alshabaab oo qasaare badan la gaarsiiyay.
Dadka degaanka ayaa sheegay in Alshabaab dagaalka looga dilay in ka badan 10 maleeshiyo ah ayna hore u qaateen dhaawacyo, sidoo kalena laga waxyeeleeyay Gaadiid dagaal oo ay wateen. shan qof ayaa sidoo kale ka dhaawacmay dadka degaanka oo rasaastii ugu tagtay goobahooda.
Dadka degaanka Baxdo oo hubeysan ayaa muddo laba saacadood ka badan la dagaalamayey maleeshiyada Alshabaab, iyadoo cashar loo dhigay dibna ay uga cararreen magaalada ay weerarreen oo gudaheeda lagu arkayo raadka ay ka tageen maleeshiyadii Alshabaab.
Xaaladda magaalada Baxdo ayaa kacsan kadib dagaalka culus ee saaka ka dhacay, waxaana kusi jeeda ciidamo ka socda Galmudug iyo dowladda Soomaaliya oo ka baxay Cadaado iyo Dhuusamareeb.
