UPDATE:
Wararkii ugu danbeeyay ee qasaaraha qaraxa ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay ay sii korortay oo ay gaartay 20 ruux, iyadoo laga cabsi qabo in qaraxyadii galabta ka dhacay magaalada Baydhaba ay sii kororto qasaaraha, Dhaawaca ayaa isna ka badan 45 kale.
Qaraxa ayaa lala beegsaday laba goob oo midkood ahayd baar Baar caanka ah ee Beder oo nin is miidaamiyay isku qarxiyay, ninkaas oo la sheegay inuu 50 jir ka weynaa, iyo Baarka kale ee Roodo oo dhowaan la oo qaraxii labaad gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa uu la beegsaday bartamaha magaalada Baydhaba ku yaala, xilli dad badan daawanayeen ciyaar kubadda cagta ah qaar kalena galabtii u nasashao tageen Baarka, waxaana qasaaraha ka dhashay lagu qiyaasay inuu ahaa kii ugu weynaa ee magaaladaasi soo mara.
Labada qarax ayaa ahaa kuwa xoog leh oo gilgilay bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, sida laga soo xigtay dad goobjoog ah iyo warfidiyeeno magaalada ku sugan qaraxa koowaad ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay baabuur walxaha qarka laga soo buuxiyey, kaas oo bartilmaameedsaday goob aad loogu badnaa oo u dhow suuqa weyn ee magaalada.
Ciidamada ammaanka ayaa qaraxyada kadib goobta gaara iyagoo la sheegay inay u dhaqmeen si aan wanaagsaneyn oo ay rasaas fureen iyagoon u meel dayin, taasoo sii kordhisay qasaaraha. Bandow ayaa caawa lagu soo rogay magaalada Baydhaba, waxayna ku jirtaa tacsi.
Wadani.com