Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal galabta ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, kaasoo dhex maray ciidamada Maamulka Hirshabeellle iyo maleeshiyada Alshabaab.
Dagaalka oo socday muddo ka badan saacad ayaa dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxayna Alshabaab sheegtay inay ku dishay 7 askari oo uu ka mid yahay taliyihii ciidamada ilaalada Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xasan Dhiileey..
Hirshabeelle ayaa dhinaceed sheegtay inay maleeshiyada Alshabaab ka dileen saddex qof, ayna iska difaaceen, iyadoo dagaaku dhashay markii maleeshiyada Alshabaab ay diideen in la xiro dhul uu ku fatahay Webiga Shabelele oo oo biyo badan ku furay degaanka Deyma-same ee duleedka Jowhar.