Rasaas xoog leh iyo hub culus ayaa caawa ka dhaceysa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Trebuunka iyo agagaarkiisa.
Rasaasta oo ay ay is weydaarsanayaan laba dhinac ayaa xaalad dagaal ka dhigay degaanada ku dhow Trebuunka, waxaana ilaa iminka la helin cidda dagaalkani u dhaxeeyo.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya iska hor imaadka oo socday muddo daqiiqado ah, waxaana wararka qaarkood sheegayaan in ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda ay isku dhaceen.
Wararki ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dagaalku dhex maray ciidamo milateriga Soomaaliya ka tirsan iyo ciidamo ka tirsan nabadsugidda NISA oo howlgal ku qaaday ciidamo milateri.
Howglka caawa ayaa ah kii ugu horeeyay ee ay qaadaan ciidamada NISA intii uu xilka la wareegay Taliyaha cusub ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo lagu bartay iska hor imaadyo dhiig badan ku daatay.
Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana lasoo weriyay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac.
Wadani.com