Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Dagaal xalay ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ee ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho.
Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii maleeshiyo ka tirsan Ururka Al-shabaab ay weerar xoog leh oo gaadmo ah ku qaadeen fariisin Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin degaankaasi, taasoo dhalisay dagaal labada dhinac dhex mara.
Dagaal socday mudo ka badan 30 Daqiiqo ayaa ayaa dhexmaray Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo maleeshiyada ururka Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.
Dadka degaanka ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid culus oo saameyn ku yeeshay degaanka oo dhan, iyadoo labada dhinac aysan wax war ah kasoo saarin qasaaraha dagaalkaasi, waxaana xoogaga Alshabaab lagu arky xaafado katirsan Calamada, Ceelasha iyo Lafoole.