Dagaal ayaa magaalada Jowhar ku dhex maray ciidamada mamulka Hirshabeelle, iyagoo ku dagaalamay agagaarka madaxtooyada Hirshabelle.
Dagaalka ayaa ka dhashay muran dhinaca dhulka ah, waxaana la xaqiijiyey inuu ku dhintay askari, ayna ku dhaawameen saddex kale, mid ka mida uu ka tirsan yahay ciidamada AMISOM ee ilaaliya Xarunta madaxtooyada Hirshabelle.
Xaaladda ayaa markii danbe degtay waxaana soo dhex galay mas’uuliyiinta iyo saraakiish ciidamada, wuxuuna dagaalku soday muddo ku dhow 20 daqiiqo, iyadoo uu saameyn ku yeeshay xaafadaha magaalada Jowhar.
