Dagaal qaraar oo socday muddo ka badan 30 daqiiro ayaa xalay Degmada Waajid ee gobolka Bakool ku dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabaab oo weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada milateriga ku leeyihiin Waajid.
Wararka ayaa sheegay in kooxda AlShabaab ay laba jiho ka weerartay sladhigga ciidamada Waajid, wuxuna dagaalku ka socday gagaarka saldhigga, iyadoo uu ku bilowday hubka culus iyo madaafiiic ay labada dhinac is weydaarsadeen.
Sarkaalka hoggaaminayey ciidamada ciidanka xoogga dalka Xiddigle Jaamac Faarax Muuse ayaa sheegay inay iska difaaceen Shabaabkii weerarka soo qaaday, isagoo meesha ka saaray wararka sheegaya in Shabaab ay gudaha u soo galeen degmada Waajid.
Ciidamada dowladda ayaa ku guuleystay inay dib u celiyaan ciidamadaasi, waxayna sheegeen inaysan wax qasaare ah kasoo gaarin, balse dhinaca Alshabaab ay jiraan qasaare kala duwan.
Alshabaab ayaa shaaciyey inay dagaal ku ekeeyeen saldhigyada ciidamada Itoobiya ee degmada Waajid, isla markaana ay gubeen xarumo dhowr ah iyagoo aan faahfaahin kale bixin.