Faahfaahin dheeraad aha ayaa laga helay Qarax goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Tiyaatatka Qaranka iyo Taallada Xaawo Taako oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kasoo yaallay meel u dhow barta ay ciidamada ilaalada Madaxtooyada Gaadiidka ku baaraan, una dhow Maqaayadaha ku teedsan wadadda Taallada Xaawo Taako, iyadoo qasaare kala duwan uu geystay qaraxa oo ahaa mid xoog leh.
Dad goobta tegay ayaa sheegay inay arkeen meydadka ilaa 2 qof, iyadoo dhaawacyada laga qaaday goobta ay gaarayaan 5 kale, waxaa qaraxa kadib goobta ka dhacay rasaas; waxaana mas’uuliyadda qaraxa sheegtay ururka Alshabaab.
Ciidamada Amniga ayaa goobta xiray, waxaana loo diiday isu socodka dadka iyo Gaadiidka, iyadoo uu socdo gurmadka dadka ku waxyeelloobay qaraxa. Ciidamada amniga ay saxafiyiinta u diiday inay goobta qaraxa gaaraan.
Qaraxan ayaa imaanaya toddobaad gudihiis iyadoo weli aysan Muqdisho ka soo kaban, weerarkii 24-ka saacadood aatay ee Khamiistii hore ka dhacay waddada Maka Al Mukarama.




