Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in dhulgariir laga dareemay magaalooyin ka mida dalka Kenya oo ay ka mid tahay caasimadda dalkaasi ee Nariobi.
Dadka ku nool magaalooyinka Nairobi, Nyeri, Mombasa, Machakos, Makueni iyo Kiambu ayaa sheegay inay dareemeen inuu dhulku la dhaqdhaqaaqay muddo dhowr ilbiriqsi ah caawa 7-dii Fiidnimo, kadibna xaalad caadi ah ay ku soo laabteen.
Sida ay sheegeyso shabakadda www.earthquaketrack.com, wuxuu dhulgariir cabirkiisu yahay 4.8 ku dhuftay magaalda Wundanyi ee Taita Taveta.
Dhaqdhaqaaqa dhulka ee la dareemay ayaan ahayn mid xoog leh, waxaase ka dhashay cabsi ku saabsan inuu mid xoog leh dhici karo magaalooyinka dalka Kenya.
Dadka magaalada Nairobi ku nool oo ay ka mid yihiin Soomaalida ku badan xaafadda Islii ayaa cabsi dareemay iyadoo bannaanada u soo baxay kana degay daaraha waaweyn markii dhulgariirka la dareemay.