Wararka laga helayo magalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya inuu fal dil ah ka dhacay gudaha xarunta weyn ee Ahlu suna ku leedahay magaalada.
Dilka ayaa la sheegay inu geystay askari ilaalo u ahaa Wasiirkii hore ee Amniga ee Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf oo ka mid amadaxda sare ee Ahlusunna, isagoo toogasho ku dilay Askari kale oo ay saxiibo ahaayeen gudhaa xarumnta INJ, kadib markii la sheegay inuu muran dhex maray.
Askariga dilka geystay ayaa la sheegay in la xiray, markii uu isku dayey inu baxsado, waxaana wararku sheegayaan in labada askari ee is-dishay ay qaraabo yihiin, ayna isku heysteen arrimo u dhaxeeyay.