Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga jelay Qarax miino oo saaka ka dhacay magalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday Gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Qaraxa ayaa ka dhacay Dalcadda Wadadda Taleex, degmada Hodan eeGgobolkan Banaadir, waxaana qaraxa uu qabsaday Gaari ay wateen ciidamada dowladda, iyadoo ay ku dhinteen laba askari, ayna ku dhaawacmeen laba qof oo shacab ah oo kale, waxaana halkaasi gaaray ciidamada dowladda oo xiray wadadda. baaritaanna sameeyey.
Agagaarka goobta qaraxa ka dhacay ayaa waxaa hore Alshabaab uga fulisay qarax miino oo lagu dhaawacay agaasimaha isbitaalka xoogga, laguna dilay darawal Gaari ay ciidamada Xoogga leeyihiin oo ay la socotay.
Hay’adaha Amniga dowladda Somalia ayaan wax war ah kasoo saarin qaraxa ka dhacay magaalada iyo qasaaraha uu dhaliyey, waxaana inta badan qaraxyadan sheegta Alshabaab.