Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa qarax galabta ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay ka dhacay meel u dhow guri uu degan yahay guddoomiyihii hore ee degmada Dharkeynley Macalin Cabdulle Cali Hillowle.
Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lahaa askari ka tirsan milateriga Soomaaliya oo xaafada deganaa, balse wuxuu qaraxu dhacay markii uu ka degay kadib.
Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu bas beelay, waxaana khasaaraha uu geystay uu ahaa mid kooban oo aan cidna wax ku noqon.
Macalin Cabdulle ayaa shegay in qaraxa aanu wax qasaare ah geysan, ninkii askariga ahaa ee gaariga saarnaa markii uu ka degay uu baabuurku qarxay.
Wadani.com