Faahfaahin dheerad ah ayaa kasoo baxeysa Weerar madaafiic ah oo Duhurnimadii maanta lagu qaaday xarunta Madaxtooyada Somalia ee magaalada Muqdisho.
Weerarka oo loo adeegaday Hoobiyeyaal aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa ku dhacay agagaarka Villa Somalia, waxaana la sheegay inay gaarayeen saddex madfac oo jugtooda laga maqlay qeybo ka mida caasimadda Soomaaliya, iyagoo ku dhacay meel u dhow Dhismaha Safaaradda Itoobiya oo ku taalla xeyndaabka u xiran Madaxtoyada. xaafadda Kaambada oo dhinaca ku heysa xarunta Taliska Booliska iyo Madfac kale oo ku dhacay Xaafada Caga Dhiig.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qasaaraha ay geysteen madaafiicdaasi qasaare isugu jira qof dhintay iyo saddex kale oo dhaawacmay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya, iyadoo Alshabaab ay inta badan sheegato weerarrada lagu qaado Madaxtooyada Soomaaliya.