Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.
Ciidanka Booliska ayaa la sheegay in ay u sheegeen in lagu amray in aysan soo soo gudbin wax Ciidan ah, islamarkaana aysan Amar u heysan in ay siidaayaan.
Iska horimaad xooggan ayaa dhexmaray labadda dhinac, waxaana uu Ciidanka Milatariga oo ka yimid degmada Balcad.
Wararka ayaa sheegaya in qof shacab ah uu ku dhintay rasaastii labada ciidan, kaasoo la garan waayey. iyadoo dhowr qofna ay ku dhaawacmeen.
Ciidamadii milateriga ayaa dib uga laabtay halkaasi waxaana in mudo ah xirnaa isu socodka dadka iyo gaadiidka.