Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa qaraxyo lala beegsaday ciidamo ka tirsan AMISOM oo ku socdaaleyay Gobolka Sh/Dhexe, gaar ahaan degaanka Buurane markii ay la kulmeen miinooyin wadadda loogu aasay.
Qaraxyada ayaa midkii koowaad haleelay Gaari ay lahaayeen ciidamada AMISOM ee saldhigoodu yahay degaanka Buurane, iyadoo dadka degaanka ay sheegeen inuu qasaare kasoo gaaray ciidamada uu qaraxu haleelay, halka qaraxa labaad uu qabsaday Gaari kale oo gurmad ahaa, kasoo dhaliyey qasaare badan.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa 4 askari ay AMISOM uga dhinteen labada qarax, qaar kalena uu dhaawac kasoo gaaray, iyadoo markaas kadib ay howlgallo goobtaasi ka sameeyeen ciidamada ayna soo qabteen dhalinyaro iyo dad kala duwan oo degaankaasi ku noolaa. Amisom ayaa dhinaceeda sheegtay inay qaraxyadaasi uga dhaawacmeen laba askari.
Xaaladda degaankaasi ayaa ah mid kacsan iyadoo dadka degaanka ay isaga carareen agagarka saldhigga ciidamada AMISOM ee degaanka Buurane, degmada Mahadaay. Alshabaab ayaa ka dambeysay qaraxyadaasi oo ahaa kuwii ugu horeeyay ee ciidamada Burundi ee degaankaasi la kulmaan.