Koox dabley ah ayaa maanta dil gaadmo ah ka fulisay magaalada Muqdisho, kasoo lagu khaarijiyey askari ka tirsan ciidamdaa Amniga.
Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay askri ka mid ahaa ciidamada Booliska ee halkaasi ka howlgala xilli uu keligii ku sugnaa goob uu fadhi ka sameystay.
Daba dabley ah ayaa toogtay, kadibna degdeg goobta uga baxsaday, waxaana markaasi kadib halkaasi soo gaaray ciidamo abdan oo ka tirsan kuwa Booliska oo halkaas ka dhowaa, iyadoo aan lagu guuleysan in la qabto raggii falkan geystay.
Halkii uu askariga la dilay ka howlgeli jiray ayaa la deegay ciidamo ku dhow 10 askari, iyadoo aanay wax war ah arrintan kasoo saarin Hay’adaha Amniga.
