Faahfahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa askariyad Boolis ah oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.
Dableyda oo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa Xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan xalay ku weeraray askarigan oo ahayd haweeneyda ka tirsaneyd Ciidamada Booliiska, laguna magacaabi jiray Ridwaan Salaad, iyadoo markaas ku sugneyd goob ganacsi.
Ciidamo gaaray goobta dilka ka dhacay ayaan ku guuleysan inay soo qabtaan dableydii falka geystay, waxayna Meydkeeda u qaadeen xarunta CID-da ee baarista dembiyada magaalada Muqdisho.
Waa haweeneydii labaad ee ka tirsan Booliska oo Muqdisho lagu dilo laba toddobad gudahood, waxaana ay u diyaar garoobeysay xuska maalinta asaaska Booliska Soomaaliyeed.