Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa diyaarad ay ku dhacday duleedka magaalada Muqddsho ee caasimadda Soomaaliya.
Diyaaradda dhacday ayaa nooca keligood is wada ee DRONE-ka loo yaqaan, iyadoo ciidamo loo diray goobta ay ku dhacday burburkeeda ay ka soo qaadeen.
Diyaaradda dhacday degaanka Garasbaaley, waxaana la sheegay inay lahaayeen ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Koonfurta Soomaaliya oo fadhigoodu yahay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Diyaaraddan ayaan wax dhibaato ah u geysan goobta ay ku dhacday, waxaana degdeg uga daba tegay ciidamo loo diray oo qaatay burburkeedii.