Ciidamada amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa gacanta ku dhintay Gaari hub siday oo ka yimid Gobolka Bari ee maamulka Puntland Soona maray magaalada Gaalkacyo.
Gaariga oo ahaa nooca Homey ayaa laga helay saanad milateri oo isugu jirta Hoobiyeyaal iyo rasaas kala duwan, waxaana lagu soo bandhigay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna gaariga ku socday Gobolka Hiiraan iyadoo la tuhunsan yahay inuu ku socday Alshabaab.
Saraakiisha Maamulka ee magaalada Dhuusamareeb ayaa baaritaan ku haya Gaariga iyo dadkii watay, waxayna wararku sheegayaan in hubkaasi loo waday qaab xamuul ah oo uu ku dhex maray alaabo kale.
DAAWO SAWIRRADA


