Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu qaax gaari ka dhacay goor dhoweyd xaafadda Xaawo taako degmada Wadajir.
Gaarigan oo waxyaabo qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheeay inay ka shakiyeen Ciidamada, iyadoo goobta uu yaallay la xiray, markii uu muddo yaalayna uu qarxay.
Gaariga ayaa la soo weriyay inay wateen labo nin o dhalinyaro ah, waxaana markii ay arkeen ciidamada ammaanka ay ka baxsadeen, kana cararreen gaariga.
Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay toogteen mid ka mida raggii watay gaariga, laakiin midkii kalena uu baxsaday. Gaarigan ayaa la dhigay xaafada Xaawo Taako ee degmada Wadajir.
Goobooge.com