Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Mooshin lagu dalbanayo in dalka laga saaro ciidamada ka socda dalka Kenya ee ka tirsan AMISOM oo saldhigoodu yahay Maamulka Jubbaland.
Kulanka ugu soo horeeya ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa la sheegay in la horgeyn doono ajendeyaal uu ka mid yahay mooshinka qaar ka mida xildhibaannada ay ka wadaan Ciidamada Kenya, kaasoo lagu dalbanayo inay dalka ka baxaan ciidamada Kenya.
Mooshinka ayaa ku eedeynaya dowladda Kenya inay dagaal dhinac waliba ah kula jirto Soomaaliya, kuna heysato xuduud Bad iyo dhul leh, isla markaana ay ku heyso dagaal diblomaasiyadeed iyo mid siyaasadeed iyadoo la safan hoggaamiye maamul Goboleed, taasoo aan suuragal ahayn inay qeyb ka noqoto nabadeynta Soomaaliya.
Xildhibaan Zakariya Maxamuud Cabdi oo ka mida xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay go’aan cad ka qaadato daandaansiga iyo xad gudub-ka Kenya ay ku heyso Soomaaliya.
Wuxuu ku eedeeyay dowladday inay Kenya weerar ku tahay Soomaaliya, ayna ka doodi doonaan mooshinka ka dhan ah Ciidamadeeda jooga Soomaaliya, oo go’aan laga qaadan doono.