Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa qabsaday gaari uu watay qof shacab ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Mahad, kaasoo ku sii jeeday garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Gaarigan oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo ku qarxay meel u dhow Hotelka Jazeera, waxaana ku dhintay darawalkii waday oo markii hore dhaawac culus soo gaaray.
Ninka la qarxiyay ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan, iaydoo la sheegay inuu taksiile ah oo ka shaqeeya garoonka Muqdisho.
Lama oga qaabka looga soo daayay koontaroolka weyn ee laga ilaaliyo garoonka Muqdisho ee agagaarka KM4 oo ay maraan gaadiid kooban oo qura.
DEGDEG: Gaari ku socday Garoonka Muqdisho oo ku qarxay agagaarka Hotel Jazeera