Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Caawa Qarax lala beegsaday Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Qaraxan oo ahaa nooca miinada dhulka la geliy ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Haanta-dheer iyo Isgoyska EX-koontorool Afgooye, waxaana la sheegay inuu qaraxu dhaliyay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamadii saarnaa Gaariga.
Saddex qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen Qaraxa, iyadoo dhaawac uu kasoo gaaray laba qof oo kale ooa askar ahaa, dadka qaraxa ku dhintay ayaa ahaa dad shacab ah oo goobta uu ku qabsaday qaraxa.