Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in shaqaaqo keentay is-rasaaseyn ay maanta ka dhacday magaaladaasi.
Is-rasaaseynta ayaa la sheegay inay dhex martay ciidamo taabacsan wasiir ka tirsan Galmudug iyo ciidamada ilaalada xarunta doorashada magaalada Cadaado.
Iska hor imaadka ayaa la sheegay inaysan cidna wax ku noqon, iyadoo xaaladda la xakamayeeyay. Warar hore u soo baxay oo lagu sheegay in Ciidamada ammaanka ay xireen wasiirka howlaha guud ee Galamudg Maxamed Maxamuud Guure ayaa la beeniyay.
Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in musharixiin gacan ka helaya taliyaha ciidamada Nabadsugidda ay xayiraad ku soo rogeen nabadoon beeleed iyagoo u diiday inay la kulmaan musharixiinta kale.
Wasiir Guure ayaa la sheegay inaysan jirin wax xarig ah oo lagula kacay isla markaana uu si caadi ah ugu sugan yahay magaalada Cadaado.
Wadani.com