Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan qarax is-miidaamin ah iyo weerar ay koox hubeysan ku qaadeen xarunta uu ka socda shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee Cadaado.
Weerarka ayaa la xaqiijiyay inaysoo qaadeen afar qof oo midkood uu miineysaa kaasoo  gaari Nissan Surf ah ku qarxiyay dhinaca danbe ee xarunta Kafaalo oo shirku ka socdo, kadibna waxaa isku dayay inay gudaha xarunta galaan saddex maleeshiyo, waxayna wararku sheegayaan in dhammaantood la dilay markii ay rasaas is weydaarsadeen ciidamada shirka ilaalinaya ee Itoobiyaanka iyo Soomaalida.
Qarax iyo is rasaaseyn xoog leh ayaa saaka laga maqlay xarunta Kafaala oo markaasi la sheegay inay ku sugnaayeen ergadii shirka. Guddoomiyaha guddiga farsamada Xaliimo Yarey ayaa sheegtay inaysan wax khasaare ah soo gaarin ergada shirka.
Dhinaca kale wasaarada Amniga dowladda Federaalka ayaa Muqdisho ka sheegtay in weerarkaasi la fashiliyay, iyadoo kooxda Alshabaab ku eedeysay inay ka dambeeyeen, sida laga soo xigtay afhayeenka wasaaradaasi Maxamed Yuusuf.
Dadka dhintay ayaa la sheegay inay yihiin kuwii weerarka soo qaaday, waxaa kaloo jira dhaawacyo la sheegay inay soo gaareen ilaalada xarunta oo aan la shaacin.
Waa weerarkii ugu horeeyay ee Alshabaab la beegsato degmada Cadaado, iyadoo ammaanka degmadaasi si weyn loo sugo, waxaana laga cabsi qabaa in Bisha Ramadaan ay sii kordhaan weerarada Kooxda Alshabaab qaadeyso sidii hore looga bartay.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]