Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu dilay ganacsade laga yaqaanay magaalada.
Koox hubeysan ayaa GancsadeĀ lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash ku dileen xaafadda Raf iyo Raaxo ee magaalada Boosaaso, meel u dhow Masjidka Cali Bin Abu-Daalib oo la sheegay inuu xilligaasi kasoo baxay salaadii Cishaha.
Ganacsade Salaad ayaa wararku sheegayaan inuu xisaabiye u ahaa shirkadda Ganacsiga ee Horseed, iyadoo aanay dilkiisa cidna loo qaban, waxaana goobta ka baxsaday raggii dikiisa geystay.
Magaalada Boosaaso oo ka mida meelaha ugu badan ee dilalka qorsheysani ka dhacaan ayaa waxaa ka howlgala kooxaha Daacish iyo Alshabaab.