Mas’uuliyiin iyo xildhibaanno ayaa lagu dilay Galabta weerar ay kooxda Alshabaab ku qaadeen kolonyo kusoo jeeday magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Muqdisho.
Weerarka oo ahaa mid dhiig badan ku daatay ayaa waxaa ku dagaalamay ilaaladii kolonyada iyo maleeshiyadii Alshabaab, waxaana lagu dilay weerarka Xildhibaan Eng. Ismaciil Muumin iyo Xildhibaan Sheekh Daahir Macalin Cabadulle kale oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabeelle, iyadoo sidoo kale uu ku dhintay uddoomiye ku xigeenka Degmada Raaga Ceelle Muuse Afweyne iyo 4 Askari oo ilaalada kolonyada ka mida ahaa.
Alshabaab ayaa la sheegay inay qoriga RPG (Zabanka) loo yaqaan lagu gubay laba ka mida Gawaaridii Xildhibaanda galbineysay oo midkood uu ahaa LandCruiser (Cabdi Bille), Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in gaariga Cabdi Bilaha askartii saarnaa ay noqdeen kuwo dhintay ama dhaawac darran.
Weerarkan ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle lagu dilo, inkastoo ciidamo la dejiyey wadadda u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar, waxaa haddana muuqata inay arrintaasi waxba ka tarin weerarrada Alshabaab.