Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo maanta ka dhacay magaalada Marko ee Gobolka Sh/Hoose.
Qaraxa oo ahaa mid culus aya ahaa Miinada dhilka la geliyo, wuxuuna ka dhacay meel Garaash ah oo ku talala dhinaca danbe ee Saldhiga Booliska magaalada Marko, iyadoo uu dhaliyey qasaare kala duwan.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ku dhintay Nin laga yaqaan magaalada Marko oo lmagaciisa lagu sheegay Saciid Jalbow. Waxa kaloo la sheegay inuu ku dhintay qofkii goobta geeyay.
Qasaaraha uu geysta qarax ayaa waxaa ka mida dhaawacyo iyo burbur xoog leh oo gaaray Garaashka farsamada baabuburta ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxa ayaa lagu eedeeyay inay ka danbeysay Alshabaab, waxaana howlgal amni lagu qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay.
