Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay qarax goor dhoweyd laga maqlay magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in Miino la dhigay mid ka mida isgosyada caasimada ay qarxiyeen ciidamada Amniga.
Qaraxa Miinada ayaa laga maqlay qeylo ka mida magaalada, waxaana la sheegay inay ahayd miino la dhigay meel u dhow isgoyska Mariinada ee degmada Kaaraan, iyadoo ay ka war heleen ciidamada Amiga intii aan loo adeegsan in la qarxiyo.
Ciidamada ayaa qarxiyey miinada, mana jirin wax qasaare ah oo ka dhashay, kadib markii la xiray goobta ay miinadu taallay, lagana fogeeyay dadka iyo gaadiidka.
Alshabaab ayaa muddooyinkii dambe si weyn u kordhisay adeegsiga Miinooyinka oo lala beegsado Gaadiidka ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda.
