Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax Gaari oo caawa fiidkii ka dhacay iridka Dugsiga Sare ee Booliska Jen. Kaahiye.
Qaraxa ayaa loo adeegsadya Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa oo lagu dhuftay Iridda hore ee Iskuul Buluuziya, Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in ilaa 7 qof ay ku dhaawacmeen oo midkood haweeney tahay. Warar kale ayaa sheegaya in qof ku dhintay qaraxa.
Qaraxan ayaa yimid iyadoo muddo toddobad ah aya magaalada Muqdisho ku jirtay xaalad amni oo wadooyinka intoobada badan ay xiran yihiin, iyadoo taliska booliska uu shalay ka digay Gaari qarax sida oo ku jira magaalada.
Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay inay ka danbeysay qaraxa, sida ay baahiyeen warbaahinta Alshabaab, waxayna sheegtay in qaraxa loo adeegsaday gaari lagasoo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana warka Alshabaab algu sheegay in qaraxu uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray saraakiishii iyo ciidamada dowladda.