Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dil xalay nin Sheekh ah loogu geystay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Koox Burcad ah oo ku hubeysnaa Mindiyo ayaa xalay weerar ku qaaday oo Xaafadda Nageyle ee degmada karaan ee Muqdisho ku dilay Sheekh Mowliid Sheekh Cabdalle Maxamed oo ahaa Sheekh da’ yar oo xer boqolaal ah wax bara.
Sheekh Mowliid oo 26 sano jir ahaa ayaa dhowaan kasoo laabtay Cumrada, isagoo hadda waday waxbarashada heerka labaad ee Master-ka, isla markaana uu ahaa Macalin Dugsiyada wax ka dhiga, ahaan Sheekh cilmiga diinta faafiya, isagoo ka mid ahaa xerta Sheekh Daa’uud Culusow.
Dilka ayaa yimid xalay markii uu ka baxay Masjid uu ku tujiyey salaadii Cishaha, waxaana weerar ku qaaday koox Burcad Mindiyo ku hubeysan, kuwaas oo doonayey inay Telefoon Mbile ah ka dhacaan, iyagoo Mindiyo ka geliyay dhinaca danbe ee Wadnaha, wuxuuna u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray.
Waxaa salaadii janaasada maanta lagula tukaday Masjidka Macallin Dhiblaawe, ee degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu aasay Qabuuraha caasimadda.
