Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Faahfaahin laga helay Weerarkii Alshabaab ee Mesegowaay iyo Qasaaraha culus ee ka dhashay..

    Faahfaahin laga helay Weerarkii Alshabaab ee Mesegowaay iyo Qasaaraha culus ee ka dhashay..

    May 30, 2023Updated:May 30, 20232 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal culus oo degaanka Mesagowaay ee Gobolka Galgaduud saaka aroortii ku qaadeen maleeshiyada Alshabaab, iyadoo qasaare xoog leh uu ka dhashay weerarkaasi.

    Dowladda Soomaaliya iyo taliska ciidamada ayaa sheegay inay weerarka Alshabaab iska caabiyeen, ayna qasaare lixaad leh gaarsiiyeen, iyadoo meydadkooda ay daadsan yihiin gudaha iyo duleedka Mesegowaay.

    Warka kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saaka si guul ah u fashiliyeen isku day weerar oo ay Khawaarijtu ku soo qaaday magaalada Masagawaay.

    “Ciidamada Xoogga Dalka oo si buuxda ula socday dhaqdhaqaaqa Khawaarijta iskuna diyaariyay fashilintooda ayaa si xirfad iyo geesinimo leh u kala cayriyay Khawaarijtii halkaas soo weerartay. Inta uu socday hawlgalka fashilintu waxa ay Ciidamada Xoogga Dalka toogteen in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijtii soo duulaanka tagtay kuwaas oo ay ka carareen maydadkooda, sidoo kale Ciidamada Qaranku waxa ay gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah gaadiidkii ay ku soo duulaan tageen Khawaarijtu iyaga oo gubay mid kale”.” ayaa lagu yiri Warka dowladda federaalka ay faafisay oo sidoo lagu sheegay in Saddex ka mid ah Ciidamada Qaranka lagu dhaawacmay hawlgalkaas.

    Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay in weerarkii Mesagowaay ay cagta ku mariyeen degaankaasi iyo saldhigyadii ciidamada, kuna dileen 73 askari, isla markaana ay gacanta ku dhigeen 5 Gaari oo 5 ka mida ay yihiin gaadiidka Tiknikada ee Cabdi-bilahaoo ay ku rakiban yihiin qoryaha Dhashiikaha. Alshabaab waxay sheegtay inay weerarkii Mesagowaay ku gubeen 3 gaari.

    Waa weerarkii labaad ee Alshabaab ku qaado Mesagowaay, waxaana dadka degaanka laga soo weriyey in dagaalka saaka uu ahaa midkii ugu cuslaa ee halkaasi ka dhaca oo qasaaraha labada dhinac uu badan yahay.

    Ma jirto cid dhexdhexaad ah oo xaqiijin karta sheegashada Alshabaab, iyadoo qasaaraha dagaalka ee labada dhinac uu isu bedelay dacaayad dagaal oo warbaahinta la isku mariyo.

    Alshabaab Dagaal Mesagowaay Weerar
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Damaanad ka bixiyey Heshiiska Doorashada ee Madasha Qaran
    Next Article ATMIS oo shaacisay inay ka Daba tagtay Alshabaabkii weeraray Buulomareer, lana burburiyay..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo