Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»K/Galbeed»Faahfaahin laga helay Weerarradii Alshabaab ku qaadeen Barriire iyo Aw-dheegle, (Sarkaal sare oo lagu dilay)

    Faahfaahin laga helay Weerarradii Alshabaab ku qaadeen Barriire iyo Aw-dheegle, (Sarkaal sare oo lagu dilay)

    April 3, 2021Updated:April 3, 20212 Mins Read K/Galbeed
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay weerar xoog leh oo Alshabaab saaka aroortii ka hor salaadii subax ku qaadeen ku qaadeen saldhiga ciidamada dowladda ee degaanka Bariiire iyo weerar kale oo ka dhacay degmada Aw-dheegle.

    Weerarka ugu weyn oo ka dhacay xerada ciidamada ee Bariirre ayaa ku bilowday Gaari qarax ka buuxo oo is-miidaamin ah, waxaana xigay weerar saddex jiho ay uga soo qaadeen maleshiyada Alsahabaab, kaasoo saacado socday, qasaare badanna dhaliyay.

    Wararka laga helayo ilo kala duwan ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay qabsadeen saldhigga, kadib dagaal xoog leh oo ka dhacay, kadibna ay dib ula wareegeen ciidamo kale oo gurmad ah, waxaana lasoo weriyey qasaare soo gaaray ciidamada dowladda.

    Alshabaab ayaa sheegtay inay 47 askari ku dishay weerarka Bariire, ayna ku qabsadeen Saanad iyo Gaadiid dagaal, halka ilo kala duwan ay sheegeen in ciidamada dowladda laga dilay ay gaarayaan in ka badan 15 askari.

    Taliska ciidamada Milateriga ayaa dhinaciisa sheegtay guulo iyo inay weerarka Bariirre ay Alshabaab uga dileen horjoogayaal iyo maleeshiyo fara badan, ayna baacsadeen kuwii weerarrka soo qaaday.

    Saraakiisha ciidamada dowladda ee lagu dilay weerarkii Bariirre waaaka mida Dhamme C/rashiid Maxamed Nur oo ka mid ahaa saraakiishii hogaamineysay ciidamada Bariire.

    Dhinaca kale maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa weerarro loo adeegsaday hoobiyayaal ku qaadeen Jannaale iyo degaanada Sabiid iyo Caanoole intii ay socdeen weerarrada Bariire iyo Awdheegle.

    Alshabaab waxay kaloo Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa bartilmaameedsadeen gawaari kolonyo ah oo ku socday Bariire iyo Awdheegle, sida ay ilo kala duwan sheegeen. Weerarkan ayaa ka dhacay degaanka Lafoole.

    Dagaalladan ayaa imanaya iyadoo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada uu maanta shir hordhac ah uga furmay magaalada Muqdishu. Shirkan oo fool-ka-fool ah ayay ku sugan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dhammaan maamul goboleedyada.

    Alshabaab Bariire & Awdheegle Bariirre Weerar
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Dhuusamareeb
    Next Article Waare: “Mashaariic gaareysa 250 Milyan Dollar ayuu Xasan Kheyre ka hor istaagay Hirshabelle” (Daawo)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo