Agaasimaha sirdoonka dalka Suudaan ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, kadib socdaal rasmi ah oo uu ku yimid Soomaaliya.
Hay’adda NISa ayaa shaaciyey in Agaasimaha guud ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen uu maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo agaasimaha guud ee Sirdoonka iyo nabadsugida dalkka Sudan (NISS) Gen. Salah Abdalla Mohamed Saleh oo booqasho rasmi ah kusoo gaaray magaalada Muqdisho.
Madaxa Sirdoonka Suudaan ayaa la sheegay inay la socdan xubno ka tirsan sirdoonka dalka Qatar, waxaan saaka loo xiray wadooyinka magaalada Muqdisho, qaarkood, iyadoo la qorsheynayo inay wadahadal la yeeshaan madaxda NISA iyo dowladda Soomaaliya.
Xogta la helayo ayaa sheegeysa in dowlada Qatar ay Sirdoonka Suudaan qandaraas ku siiyeen dib u dhiska iyo qalabeynta sirdoonka Soomaaliya, mashruucaas oo fulintiisa ay dhowaan ay bilaabaneyso.
XOG: Wafdi Qarsoodi ah oo sababay in la xiro Wadooyinka Muqdisho [Dalkee ayey ka socdaan..?]