Dabley ku hubeysan Bistoolado ayaa Nabaddoon caan ahaa Galabta toogasho ku dishay Xaafada Fagax, degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Nabaddoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Geesey Cusmaan Cabdulle. Wuxuuna dilkiisu dhacay xilli uu kasoo baxay Salaadii Casir, markii koox hubeysan ay weerar kedis ah ku qaadeen agagaarka Masaajid ku yaalla Isgoyska Fagax.
Kooxda dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana halkaasi gaaray Ciidamada Booliska, iyadoo meydka nabaddoonka laga qaaday halkaasi.
Dilalka Khaarijinta ah ee ka dhaca Muqdisho, waxaa inta badan geysta Alshabaab oo marar badan sheegatay odayaal loo dilay inay ka mid yihiin ergada soo xushay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.
