Taliyaha ciidanka booliska ee degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir ayaa ku dhaawacmay qarax ka hor ka dhacay Saldhigga booliska ee degmadaasi, sida uu sheegay masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Xamarweyne.
Nin looga shakiyay qarax ayey isku dayeen ciidanku in ay qabtaan balse waxaa la sheegay in uu ku tuuray jaakad ay qaraxyo ku xirnaayeen, waxayna dhaawacyo ka soo gaareen ciidan, taliyaha Saldhigga iyo dad shacab ah oo goobta ku sugnaa.
Ciidanka ayaa qabtay ruuxii damacsanaa in uu isku qarxiyo Saldhigga booliska ee jaakadii Qaraxa ka cararay.
Ciidamada amniga aya baaritaano ka wado goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona gabi ahaanba xiray halka uu qaraxa ka dhacay.
Booliska ayaa sheegay inay fashiliyeen qarax ismiidaamin ah inkastoo shaki laga muujiyey qaraxan oo aan noociisa hore loo arag.
