Wararka laga helayo magaalada Muqdisho aya sheegaya inuu Qarax ka dhacay agagaarka Xarunta Denbi Baarista ee CID-da magaalada Muqdisho oo ku dhow Isgoyska KM 4 ee degmada Hodan, Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ahaa Bam lagu riday Bac oo la dhigay agagaarka xarunta CID-da iyo Hotel Saxafi. Ciidamada Boolska ayaa goobtaasi xiray iyado baaritaan ka sameeyay, isla markaana muddo la hakiyey isu socodka dadka iyo gaadiidka.
“Bac yar oo lagu soo shubay baaruud ayaa ku qaraxday agagaarka Saxafi qofna wax kuma noqon isku socodka baaburta caadi ayey u socotaa. Anaga ayaa hadda goobta taagan. Shacabka waxaa ka codsaneynaa in wixii ay ka shakiyaan ay ku soo wargeliyaan ciidanka iyagoo wacaya 991..” ayey tiri taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiya Xuseen oo ka hadashay qaraxa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegtay taliye ku xigeenka ciidamada Booliska waxaa gacanta lagu soo dhigay dadkii ka danbeeyay Bac ku qaraxday caawa magaalada Muqdisho, kuwaasoo watay gaari Homey ah, kaasoo la sheegay inuu Bacda qaraxday dhigay agagaarka xarunta CID-da, waxaana ku socda baaris.
