Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa. qarax loo adeegsadya Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu qaaday saaka xarunta Canshuuraha dekadda Muqdisho ee kasoo horjeedka Dekadda weyn ee Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Gaari nooca NOAH ah loo adeegsada Qaraxa, iyagoo xilliga qaraxa uu dhacay ay goobta ku sugnaayeen dadweyne u badan shaqaalaha dekadda ee muruqmaalka ah, iyo shacab kale.
Waxaa jira khasaare ka dhashay qaraxa oo dhimasho iyo dhaawacba leh in kastoo aan weli la xaqiiji inta uu dhanyahay khasaaraha rasmiga ah.
Taliyaha ku xigeenka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa qoraal kooban oo ay dhigtay barteeda xiriirka Bulshada waxay ku tiri, “Qarax ayaa ka dhacay laanta Dhexe ee Ilaalinta Canshuuraha iyo Dhaqaalaha Muqdisho, ka Soo hor jeedka Dekada weyn ee Muqdisho. Wixii qasaare ah dib ayaan idinka Soo sheegi doonaa.”
wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu qaraxa geystay qasaare kala duwan, waxaana ku dhaawacmay ilaa 7 qof, iyadoo burbur weyn uu goobta ka dhacay, kaliya ninkii qaraxa waday ee is-miidaamiyaha ahaa ayaa ku geeriyooday qaraxa.