Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga heleyaa qarax gaari oo caawa ka dhacay Isgoyska KM 4 ee Magaalada Muqdisho.
Gaariga oo ahaa nooca yaryar ee raaxadda ah ayaa lagu xiray waxyaabaha qarxa, wuxuuna qarxay xilli uu marayey kala wareega Km 4, iyadoo qaraxa kadib uu dab qabsaday.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay goobta xireen, iyadoo gurmad loo sameeyay gaariga qarxay, balse uu burbur ba’an geystay, waxaana la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa qofkii watay Gaariga.



