Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lala beegsaday saldhiga ciidamada ee degaanka Biyo-cadde, Gobolka Sh/Dhexe.
Qaraxa ayaa ka dhacay albaabkaa hore ee xerada ciidamada Milateriga Soomaaliya, waxaana wararku sheegayaan inay ku dhinteen dhowe askari, isla markaana uu ku dhaawacmay Col. Saneey Cabdulle Gaab oo ahaa hoggaaminaya ciidamadii la baxay ‘Badbaado Qaran’ ee ka hor yimid muddo kororsigii madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
War kasoo baxay Taliska xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu xaqiijiyey in weerar naftii halignimo ah ay Alshabaab ku qaadeen saldhigga degaanka Biya-cade ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
“Lama soo sheegin wax qasaare dhimasho ah oo soo gaaray Ciidamada Xoogga Dalka ee halkaas ku sugnaa, hasayeeshee waxaa dhaawacyo kasoo gaareen illaa 4 Askari oo kamid ahaa ilaaladii saldhiggasi.” ayaa lagu yiri warka oo laga soo xigtay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odaywaa Yuusuf Raage.
Dhaawaca Korneyl Saney Cabdulle ayey wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuusan halis ahayn, dhimashada ciidamadana ay gaareyso 4 askari oo uu ku jiro is-miidaamiyihii kaxeynayey Gaariga qaraxyada siday.
