Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Is-miidamin ah oo ka dhacay Barta Isgoyska Ceelgaabta ee laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Qaraxa oo lagu fuliyey Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday qof is-miidamaiye ah ayaa dhaliyey Qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobta qaraxu ka dhacay lagu arkay dhowr qof oo meyd ah iyo dhaawacyo.
Wararka laga helay dadka goobjooga ka ahaa goobta qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay qaraxa ay waxyeelo kasoo gaartay dad isugu jira Ciidamo iyo Shacab goobta ku sugnaa, iyadoo gaadiidka gurmadka degdega ay goobta ka qaadeen dadkii dhaawaca ahaa.
Waxaa kaloo qaraxa ku waxyeeloobay gaadiid u badan Mootooyinka Bajaajka oo tiro badan goobtaasi marayeen xilliga qaraxu dhacay. Dhimashada ayaa la sheegay inay gaartay 7 qof, halka 8 kale ay ku dhaawacmeen 8 kale.
Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa xaqiijiyey in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxisay waxyaabaha qarxa.
